Waalidiin loo raadinayo inay ka mid noqdaan koox tixraac

Ma rabtaa inaad na siiso talo iyo tusaale marka aynu qabaneyno daraasada cilmi baarista ee ku saabsan booqashada guriga ee daryeelka caafimaadka?

Waxaan naha koox cilmibaare ee jaamacadda Uppsala ee baareysa daryeelka caafimaadka caruurta(BVC). Waxaan cilmi baaris ku sameyneynaa si aan wax badan uga ogaano booqashada guriga ee daryeelka caafimaadka caruurta iyo haddii ay booqashadu u wanaagsan tahay waalidiinta iyo caruurta.

Ma dooneysaa in aad ka mid noqoto kooxdeena oo aad nala wadaagto fikradahaaga? Yacni kama qaybqaadaneysid cilmi barista dhab ahaan ée waxaad ka mid noqoneysaa kooxda tixraaca ee nagu caawinaya inaan horumarino daraasada, si ay u noqoto mid wanaagsan sida ugu macquulsan.

Sidee iyo goormaa?

Anagoo ah (laba cilmi baare iyo laba kalkaaliye gudaha ee yaqaan afafka soomaaliga iyo carabiga ) ayaa waxaan idinla kulmeynaa xilli iyo goob idinku haboon.

Waxaan ku bilaabeynaa kulan bisha oktoobar 2023 kadibna waxaa ku xigaya laba kulamood aan qaban doono xilliga dayrta. Dabcan way fiican tahay in la baajiyo kulanka haddii caqabado kaa hor yimaadaan, waxaana isku dayeynaa inaan kugu caawino qof ilmaha kuu sii hayo haddii loo baahdo marka ad kulanka ka qeeyb qaadaneyso

Waxaa hawsha u wanaagsan haddii aad ku qanacsan tahay inaad nala wadaagto fikradahaaga iyo khibradahaaga aadna nala raadiso xal.

  • Waxaad soo jeedin kartaa ra’yigaaga oo codkaagana la maqli karaa
  • Waxaad heleysaa lacag gunno oo dhan: 180 kronor/saacaddiiba mushaar ahaan ama waxad dooran kartaa kaarka haddiyadaha
  • Waxaad kaloo heleysaa khibrad iyo aqoon ku saabsan cilmi baarista iyo iskaashiga wadashaqaynta.

Waxaa jira qaybo kala duwan oo aan ka shaqeyn doono:

  • Ka wada hadalka sida xaafada Fröslunda ay ugu sii wanaagsanaan karto waalidiinta
  • Tarjumidda natiijada cilmi baarista ee booqashada guriga ee daryeelka caafimaadka caruurta
  • Ka wada hadalka waxyaabaha laga soo dhex saaran karo natiijada daraasada.

Waxaan aad u jeclaan lahayn inaan maqalno fikradaha iyo ra’yiga waalidiinta ee ku saabsan arrintaa. Waxaan keliya rabnaa inaan helno aragtiyo badan oo ka timaada waalidiinta deggan xaafada Fröslunda!

Waxaad ka akhrisan kartaa faahfaahin dheeraad oo ku saabsan kooxdeena cilmi baarista CHAP halkan: https://pubcare.uu.se/forskning/chap/

Nala soo xiriir haddii aad xiiseyneyso inaad ka mid noqoto kooxda ama aad su’aal qabto. Waa keliya adigoo na soo waca, soo dira farriinta sms ama aad noo soo qorto email!

Salaan wacan,

Gunilla Lönnberg PhD, 072-999 96 22

Kerstin Edvardsson, MSc, 073-469 73 15

Yasmin Cumar (somaliska), 073-600 82 74

Saira Chammas (arabiska), 073-656 20 65

FÖLJ UPPSALA UNIVERSITET PÅ

facebook
instagram
twitter
youtube
linkedin